MOHAMMED ADAN by M Adan

All issues

Cabsi Soo wajahday Website yada iyo Google wuxuu yiri

Google AI Search

Salaan Walaal


Bishaan sii dhamaaneysa aad ayaan u mashquulsanaa oo waxaa aad loo soo dalbaday Tababarkii ( NFC Google Review card-ka ) oo ah mid qof iyo qof ah live na ahaa marka waqti badan oo dhinaca emailka ahaa majirin sidaa ayaanaan kuu soo update gareyn.


Inataanan galin fariinteyda maanta waxaan rabaa inaan kula socodsiiyo in koorsadii SEO oo ahayd $15 hadda ay tahay sale oo aad ku heli karto $10 oo kali ah.


image


GET SEO COURSE


OK, Sidaad ka warqabto adduunka waxaa aad looga hadal hayaa (Artificial intelligence) oo shirkadaha waaweeyn oo dhan ay kula kala tartamayaan in adeegyadoodo ay ku soo daraan qeeyb ka mid ah AI oo ah Large language models (LLM) oo aad ka aragtay Facebook iyo Google tusaale ahaan in ay ku soo dareen dhamaan adeegyadooda.


Arintaan waxay badaleysaa adeegyo badan oo shirkadahaas waawayn ay qaab bilaash ah ama qiimo jaban ah hadda ku siiyaan dadka sida aniga iyo adiga oo kale ah waxaana ka mid ah in badeecadeena si bilaash ah looga heli kari karo Internet ka inaga oo aan wax lacag ah ku bixin xayasiintooda.


In badeecadeena internet ka laga soo helo waxaa u sabab ah waxybaaha ay dadku ka qoreen badaacadaasi ee internetka ku jira taasi oo marka ay dadku baaraan ereyada la xiriira badeecadaasi ay si toos ah u soo helaan website kaaga ama Facebook gaaga oo aad hadda ka hor adigu ku qortay.


Hadda Google wuxuu rabaa inuu arintaa badalo oo uu ka dhigo mid AI diyaariso ayna ka maarmaan macluumaadka ay dadku internetka galiyaan.


Tusaale: Haddii hadda aad Google ku qorto " Where Somalia is located? waxaa kuu soo baxaya jawaab ay dad caadi ah qoreen oo dabcan ku jirta website haddii aad ku sii dhufatana toos wuxuu kuu geeynayaa tixraacii oo ah website kii qoray. Google se hadda wuxuu rabaa inuu jawaabta ka dhigo mid isaga u gaar ah oo AI du diyaarisay aana loo baahnaan in meel kale laga soo tixraaco.


Inkastoo hadda ay mucaarad badan la kulmeen AI diina ay khaladaad badan gashay wali Google waa uu ku adkeysanayaa qorshiisa oo haddii uu hirgalo wax wayn ka badali doona sidii uu internet ku u shaqeeynaya tan iyo markii la hindisay.


Waxaa laga warsugayaa xilliga Google uu u fasixi doono AI yada baaritaanka oo hadda si tijaabo ah loogu fasaxay mareykanka.


Waxaan idinla soo wadaagi doona halka ay wax marayaan marka wadanka aan joogo loo soo fasaxo Insha Allah.


Inta ka horeeysa waxaan kuu rajeynayaa waqti wanaagsan.

Share
Get the next issue in your inbox
Free, and you can unsubscribe any time.

0 comments

More issues

All 42 →
#32 May 19, 2024

Waa noo dhamaaday

Read issue →
#31 May 16, 2024

ZOOM KII WEBINAR KA iyo MACLUUMAAD

Read issue →