MOHAMMED ADAN by M Adan

All issues

Koorsaddii NFC Card-ka

Salaan .


Si hordhaca ayaan kuu leeyahay Ciid wanaagsan, intaa kadib baryahaan waxaan ku mashquulsanaa diyaarinta koorso ka duwan habkii aad iiga baratay ee ahayn inaan ardayda siiyo meel ay ka daawan karaan koorsada kadibna uu isagu masuul ka noqdo barashada koorsada.


Sida aan wada ognahay habkaasi faa'idadiisa iyo khasaaraahiisaba waa leeyahay oo waxaa laga yabaa in ardaygu uusan dibba u eegin koorsadii oo uu ilaawo taasoo ah mid aan wanaagsaneyn miro dhalna noqon karin.


Sidaa owgeed ayaan waxaan dib u soo celiyay hab ay ka aflexeen arday badan oo iga qaadatay koorsooyinka muuqaal sameeynta iyo masawir qaadista sanadihii 2017-2021. Ardaydaas kuwo badan oo ka mid ah xirfadahaas ayay wali ku shaqeystaan.


Habka aan ka hadlayo waa waxa afka qalaad lagu yiraah (One-on-one Personal Training) waa tababar qof iyo qof ah oo si live ah kaligaana ah uu macalinku zoom kuu soo galayo kadibna tababarka ku siinayo.


Marka ciidda laga baxo rabbina raali ka noqdo waxaa noo bilaabanaya tababar noocaan ah oo aan ku barandoono laba arrin oo aad looga ganacsado hadda dhinaca online ka oo kala ah.



Midda hore waxay ku saabsan tahay lana xidhiidhaa SEO siiba Local SEO waana inaad online ka u iibiso Kaarar casri ah oo ku shaqeeya Tiknolojiyadda NFC da iminka aad aad u daneeynayaan ganacsatada iska leh ganacsiga gudaha ee magaalada aad ku nooshahay.


Midda danbana waa inaad nashqadeeyso kadibna iibiso funaanada.


Bishaan April lixdii qof ee aan ugu talagalay waa ka banaan oo kali ah 3 qof.


Fadlan halkaan dhagsii si aad u aqriso faahfaahinta koorsada


Qiimaha koorsada ciida ka dib bilaabaneysa waa (100 dollars) Hal saac iyo bar ilaa laba saac.


Fadlan ogow tababarkaan uguma talagalin arday walba ee waxaan ugu talagalay ardayga lacag ka sameyn kara marka uu barto.


Igala soo hadal WhatsApp ka ama halkaan haddii aad rabto inaad boos qabsato

Share
Get the next issue in your inbox
Free, and you can unsubscribe any time.

0 comments

More issues

All 42 →
#27 Feb 23, 2024

Free Workshop

Read issue →
#26 Jan 22, 2024

Arintaan Maxay kulatahay?

Read issue →