Asc, dhamaantiin,
Marka kasta waxaa la iwaydiiyaa SEO ga aad dadka barto sidee Soomaaliya loogu isticmaali karaa?
In kastoo barashada SEO ga aad meel walba oo adduunka ah uga shaqeysan karto haddana waxaan rabaa inaan su'aashaas jawaabteeda dhinaca kale idinka tuso.
Tusaale markaad Google furto oo aad ku qorto " Somalia" kadibna aad ka sii doorato qeeybta "Images" ee masawirada maxaa kuu soo baxaya?
Masawiradaan ayaa kuu soo baxaya oo dhamaantoon ay isticmaaleen war-baahinta caalamiga ah.
Sababta ay masawiradaan u soo baxayaan oo aanay u soo baxeen masawirada qurxoon dalka laga qaadayay 10 kii sano ee ugu danbeeysay waa in masawiradaan loo isticmaalay SEO.
Markaad furto mid kasta oo ka mid ah masawiradaan ee aad right click inta tiraah aad ku dhufato qeeybta " sources" ka waxaad arkaysaa in ay dhamaantood leetihiin " Image Alt text tag" oo ah luqada ay fahmaan mashiinada wax laga baarto.
Marka haddii aan 20 malyan oo masawiro qurxoon ah inta qaadno aan internet ka galino arrintaan waxba kama badalayaan waayo Google maahan qof caqli isticmaalaya oo masawirada qurux iyo kala danbeeyn u kala saarna.
Todobaadkii qofbaa dhinaca whatsApp ka iigu sheegayay dhibaatada arrintaan u leedahay dalkeenna.
Marka SEO soomaaliya ayaa ugu baahi badan balse cid daneyneysa ayaan jirin waayo waa arrin madax iyo shacabba aan ka sii jeedno sumcad dilka ah in dal dhan magaciisii uu inetnet ka u afduubnaado.
Ugu danbeeyn waxaan u baahanahay inaan arrintaan wax ka badalno oo ereygaas "Somalia" aan badbaadino innaga oo isticmaaleyna teknolojiyada aan maanta heysano.
Haddaad rabto ololahaan inaad qeeyb ka noqoto, fadlan whatsAppka qoraal iiga soo dir waxaan isku dayi doonaa inaad u midoowno sanadkaan haddii rabbi ogolaado.
0 comments