MOHAMMED ADAN by M Adan

All issues

LOCAL SEO waa diyaar.

Siminaarkii SEO ee Axaddii

image


Asalaamu Caleykum, dhamaan.

Maalmahaan waxaa noo socday kulamo goni gooni ah oo daba socday koorsaddii SEO ee aan todobaad kahor duubistoodu noo soo dhamaaday.. Waxaan rajeynayaa in intiinii iska diiwaangalisay aad wax badan ka faa'ideen intiina kalana ay mar walba oo aad diyaar soo noqotaan aad qaadan kartaan.


Sidoo kale shalay oo Isniin ahayd waxaan qabanay siminaar dhinaca Zoomka ah oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka xarunta Jamhuriya Incubation Center ee magaaladda Muqdisho waxaana qaatay arday boqol kor u dhaafaya.


Haddii Rabbi idmo maalmaha soo socda waxaa noo bilaaban doonta koorsaddii LOCAL SEO ga oo isdiiwaan galintu aya noo furantahay. Waxaad ku soo codsan kartaa emailka ah ah [email protected] ama dhinaca WhatsApp ka.


Ballanteenu waa horay u socod iyo inaan la socono waxa hadba cusub.

Macsalaama

Mohammed Abduulahi Adan

Share
Get the next issue in your inbox
Free, and you can unsubscribe any time.

0 comments

More issues

All 42 →
#17 Sep 25, 2023

Soo gabagabeynay

Read issue →
#16 Sep 21, 2023

SEO, SEM,SMM iyo LOCAL SEO?

Read issue →