MOHAMMED ADAN by M Adan

All issues

Koorsadii Sida AI-da Loogu isticmaalo Muuqalada

Salaan kadib waatanaa koorsaddii AI-da iyo Muuqaalada

Salaan ,


Dhowr ruux oo ardayda ka mid ah ayaa iwaydiiyay sida ganacsi ahaan ay uga faa'ideysan karaan (Artificial intelligence) maadaama dadku jecelyihiin wixii cusub dadka ugu horeeya ee la qabsadana ay yihiin kuwa ganacsi ahaan ka faa'ideysta.


Waxaan jeclaystay inaan dhamaan idin la wadaago aragti ay maalgashan kartaan oo dhinaca AI-da.


Marka ugu horeysa AI du waxaay u baahantahay in la tababaro siiba afka Soomaaliga kadib ayaa loo isticmaali karaa barnaamijyadeeda si loogu shaqeeyo dadka Soomaaliyeed.


Tusaale ahaan haddii larabo in la sameeyo AI-Language Model u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo fahma luuqadeena Soomaaliga waxaa loo baahnaanayaa in Model kaas marka hore la tababaro ka hor inta aan la howlgalin.


Haddii la rabo in la sameeyo App AI ah oo loogu tala galay in acaruurta Soomaaliyeed uu ka caawiyo dhinaca homework ga kana jawaabaya su'aal kasta oo afsoomaali lagu waaydiiyo, markaas waxaa loo baahnayaa in si sax ah loo tababaro model kaas iyadoo si fudud loo isticmaali karo ChatGPT tusaale ahaan balse luuqadu tahay Afsoomaali.


Sidoo kale waxaa la sameeyn karaa website afsoomaali ah oo ah suuq si online ah looga iibsan karo barnaamijyada AI da ee Soomaalida quseeya.


Ama mid si gaar ah u iibiya prompts ka oo ah habka loola hadlo AI da...


Qofka raba si gaar ah inuu arimahaan wax uga ogaado kadibna maalgashato waxaan diyaar u ahay inaan ka talo siiyo.


Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo durba ku howlaan howlaha aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo badan oo qaarkood ay wada shaqeyn naga dhexeeyso waxaanse isku dayi doonaa in qof kasta qeeyb diirada saaro ama lawada shaqeeyso Insha allah.


Waxaan rajeynayaa in qaarkiin noqdaan milkiilayaasha ganacsiga mustaqbalka ee AI da dhinaca Soomaalida.

Share
Get the next issue in your inbox
Free, and you can unsubscribe any time.

0 comments

More issues

All 42 →
#2 Aug 1, 2023

Sidee AI da loogu isticmaalaa muuqalada

Read issue →
#1 Jul 31, 2023

Koorsadii Sida AI-da Loogu isticmaalo Muuqalada

Read issue →