Salaan dhamaantiin,
Mar kale waad ku mahadsantihiin inaad ka qeybgashaan workshop kii Local SEO ga ee Sabtidii. Waxaan rajeynayaa inaad wax badan ka faa'ideysateen.
Bisha soo socota waxaan soo galin donaa koorsadii Local SEO ga oo maqal iyo muuqaal ah si aad u siibarataan habka loo qabto shaqada. Marka ay diyaar noqoto waxaan idinku soo ogeysiin doonaa halkaan iyo Facebook Insha Allah.
Qiimaha koorsada..
Qofka raba inuu isku qaato labada koorso ee SEO ga iyo Local SEO ga wuxuu kuwada heli doonaa 20 dollar taas oo ah 15 dollar oo koorsada SEO ga ah iyo 5 dollar oo koorsada Local SEO ga ah.
Qofka raba inuu qaato mid ka mid ah qiimuhu waa 15 dollar.
Waxyaabihii aan ku xusay Workshop kii
Waa Maxay Local SEO?
Local SEO waa mid ka mid ah istiraajiyadaha suugeynta casriga ah oo loogu talagalay in badeecooyinka iyo adeegyada gudahu ka soo muuqdaan intenet ka gaar ahaan mashiinada wax laga baarto sida Google, Bing iyo kuwa la midka ah.
Wuxuu macaamiisha ku nool magaalooyinka ka caawiyaa in ay helaan goobaha ganacsiga ah ee u dhaw.
Tusaale: Google My Business Profile wuxuu ganacasiga gudaha magaalooyinka u sahlaa in macaamiil cusub ay soo helaan magaca ganacsiga isticmaala adeegaan.
GMB waa bilaash waxaana sameysan kara ganacsiga leh xarun ay dadku soo booqan karaan iyo kuwa bixiya adeegyadda.
Sidee u shaqeeyaa GMB?
Google My Business Profile wuxuu isticmaalaa dhowr hab marka uu xulanayo ganacsiga ay tahay inuu tuso qofka wax baaraya.
- Relevance: ku haboonaan
Google wuxuu eegaa sida ereyga qofku baaray uu ugu habboonyahay ama ula xiriiro ganacsiga ku jira Google My Business profile ka kadibna midkaas ayuu kor soo mariyaa.
- Distance: masaafadda
Sidoo kale Google wuxuu eegaa masaafadda qofka wax baarayaa u jiro ganacsiga taasoo ka dhigan in haddii qofka wax baarayaa joogo xamar uu arkayo ganacsiga xamar ee aanu marka hore arkeen kuwo Hargeysa.
- Prominence: caanimada
Google sidoo kale wuxuu eegaa sida ganacsigaasi caan uga yahay magaalada tasoo lagu qiimeeyo tayada dhinaca online ka ah, sida dadka ka fal celiya (Reviews) iyo inta website ee xigata.
Sidee loo sameeystaa Google My Business?
Wixii su'aal ah oo aad heyso fadlan ku soo dir Group ka WhatsApp ka
Mahasanidiin
0 comments